Technique Sir Ah oo Ay Adeegsadaan Ciidamada Mareykanka oo Ay Suuraggal Tahay Iney Hurdo Kaaga Soo Dhacdo

“Insomnia”.. Wareerka hurdo la’aanta waa dhibaato haystay malaayiin qof oo dunida daafaheeda kala  duwan ku nool oo aan helin hurdo wanaagsan oo ay ku naaloodaan habeenkii.

Waxa uu leeyahay xal “Ciidan” oo xad kama dambeys ah u sameyn kara mushkiladdan, Jariidada”Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxday ayaa tooshka ku ifisay waddo sahlan oo hurdo yarida lagula dagaallamo oo ay isticmaalaan ciidanka Mareykanka, taas oo suuraggal ay tahay in qof kastaa ay hurdo kaga soo dhacdo muddo 120 ilbiriqsi ah.

Jariidadu waxey soo qaadatay buug hore loo qoray oo cinwaankiisu yahay “Relax and Win: Championship Performance” (Nafis oo ku guuleyso: horyaalka)

Ciidankii habkan tijaabiyay muddo 6 isbuuc ah, waxey sheegeen iney hurdo kaaga soo dhacdo iney gaarsiisan tahay 96%, wadadan ayaa la gaaray kadib markii duuliyeyaasha miltariga la arkay iney khaladaad badan oo ay ku dhacaan ay sabab u tahay hurdo yari.

Habkan ayaa waxa uu iskugu jiraa tallaabooyin dhowr ah oo la isku jira, waxaa ka mid ah, is kala bixin, hab goonni ah oo loo neefsado iyo malo uu qofku isku dayayo.

  1. Marka hore dabci oo nafis sii xubnaha wejiga, gaar ahaan kuwa sanka ka sarreeya indhahana ka hooseeya, markaa kadib labadaada garbood hoos u raarici inta aadan labadaada gacmood dhinac aadan ku wada fidin.
  2. Waxaa lagu talinayaa inaad neeftaada xakameyso, lugahaagana aad fidiso, laga soo bilaabo bodyada illaa meeshaa ugu hooseysa, marka aad nafis dareento, waxaa markaa lagaa rabaa inaad maskaxdaada nadiifiso oo fikir iska ilaaliso si dhammeystiran.

Sida ay jariidadu sheegayso maskaxda waxaa lagu nadiifiyaa, isku day inaad ku fakarto adigoo meel xeeb ah oo deggan jooga, wax hortaada yaalla ama ku hareeraysanna aaney jirin, marka laga reebo samo buluug ah oo saafi ah.

Waa Suuraggal ah inaad tiraado si deggan “Ha fakarin, ha fakarin, ha fakarin, ku soo celceli 10 ilbiriqsi, markaa waxaad is arki doontaa inaad hurdo fiican gashay.

Hurdo yaridu waa mushkilad caalami ah oo aad u weyn, waxey saamey ku leedhaay saddex meelood oo meel ka mid ah ragga iyo dumarka 30-40 jir ah iyo kala bar dumarka da’doodu ka weyn tahay 65 jirka.

Maandeeq FM