WararkaWaxbarashada

“Tony Robbins” oo Hal-Muxaadaro Ku Qaatay 12 Milayn oo Doolar!

Ganacsadaha «Tony Robbins» ayaa muxaadaradiisii ugu horreysay ee uu ku qabtay caasimadda Ruushka ee Moscow ku qaatay lacag gaareysa 12 milayn oo dolar oo uu ka helay qabanqaabiyeyaashii muxaadarada oo khidmad ahaan u siiyay.

Robbins, ayaa muxaadaradiisa jeediyay September1, 2018,  waxa uu ka jeediyay garoonka Olympic-da ee gudaha Moscow, waxaana ka soo qeybgalay dad ka badan 26 kun oo taageerayaal u ah khudbadihiisana daneeya.

Iyadoo ay jirto in dadku ay si aad ah uga soo qeybgaleen muxaadarada, ayaa hadana dadka wax dhaliilaa ay la yaabeen lacagta Robbins uu khidmad ahaanta u qaatay oo ay ka badbadis u arkeen, muxaadaro dhowr saacadood soconeysa in lacag intaa le’eg lagu qaato.

Halka warbaahintuns ay dhaliil usoo jeediyeen ka qeybgalayaasha oo qaarkood ay tigidka ku  jarteen $2500 oo dolar, halka ay suuraggal u ahayd iney muxaadaradiisa oo duuban ay internet-ka uga iibsadaan $50 oo qura!.

Si ay dhaliisha iskaga leexiyaan, ka qeybgalayaashii muxaadarada waxey difaaceen ficilkooda, waxey sheegeen in Robbins ay u arkaan inuu yahay halyay dhab ah oo dhanka dunida Ganacsiga iyo horumarinta nafta ah, isla markaana aanuu ka muhiimad yareyn Dale Carnegie iyo raggii la midka ahaa, sidaa darteed; in muxaadarada la tago oo Robbins shakhsiyan la arko ay muhiimad gaar ah u leedahay, si kasta oo tigidku uu qaali u yahay.

Tony Robbins ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay dadka ugu caansan ee ka hadlay dhanka ganacsiga, habka lacagta loo sameeyo, istiraatiijiyadaha horumarinta nafta iyo nolosha, halka buugaagtiisa iyo muxaadaraadkiisa duuban laga iibsado boqolaal milyan oo nuskhadood.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close