WararkaWaxbarashada

Wasiirkii Hore ee Waxbarashada XFS oo Mar Kale Dhaliilay Tayada Jaamacadaha.. «Waxey Isku Bedeleen Mashruuc Danta Laga leeyahay Uu Yahay In Jeebabka Lagu Buuxsado.»

Wasiirkii hore ee Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa mar kale dhaliil u soo jeediyay jaamacadaha dalka oo uu ku tilmaamay in intooda badani ay u furan yihiin iney jeebadaha laga buuxiyo oo qura, danna aan laga lahayn tayada waxbarashada.

Wasiirka oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa jeediyay qaylo dhaan ku aaddan tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya oo u baahan in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo.

Qormadiisa waxa uu ku bilaabay;

«Jaamacadaha waxaa waajib ah iney noqdaan goob ku habboon oo ay ka faa’iidaysan karaan dadka garaadka sare, kana heli karaan teknoolojiyda cilmi-baarista horumarsan oo lagu gaaro aqoon dunida inteeda kale lagu tiigsado. Jaamcadda wanaagsan waa iney noqotaa halka fikirka aan horey loo ogeyn lagu daahrogo iyadoo cilmi-baaris horumarsan la sameynayo si loo xalliyo mushkilado xalkoodu uu dabadheeraaday, waana wadada xalka lagu gaaro muudo dheer ka hor.», ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in waxbarashadii ay noqotay mid gacansi ah:

«Laakiin, marka waxbarashadii ay gacansi noqoto, waxaa joogsanaya waxbarashadii sare. Waxana meesha ka baxeysay tayadii oo waxey isku bedelaysaa mashruuc danta laga leeyahay uu yahay in jeebabka lagu buuxsado. Waxaan ka xumay in xaaladdaas ay ku astaysan yihiin jaamacadaha gudaha Somaliya ee aasaasmay labaatankii sano ee la soo dhaafay.»

Waxa uu ka hadlay in xaaladda maanta waxbarashada sare ay ku sugan tahay aaney sawir wanaagsan ka bixineyn waxbarashada sare:

«Laga soo bilaabo 1991, waxaa Soomaaliya ku faafay jaamacado tayadii iska indho tiray, waxey ku faafsan yihiin dhammaan daafaha kala duwan ee dalka, waxey sawir aan wanaagsaneyn ka gudbiyaan waxbarashada sare ee dalka.»

Wasiir Cabdiraxmaan, waxa uu aad u dhaliilay tayada macallimiinta jaamacadaha wax ka dhigta, isagoo tilmaamay inaaney jaamacaduhu ilaalin heerka ugu hooseeya ee tayadii waxbarashada loo baahnaa.

Xikmad maaha in dal uu Jaamacad u aqoonsado hay’adaha aan ku dhaqmeyn halbeegga akaamaiyadeed ee aasaasiga ah ee dunida laga aqoonsan yahay. sida dhabta ah, halbeeggaa aasaasiga ah waxey ahayd inuu noqdo halka laga eego jaamacadaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu is-barbardhig ku sameeyay tirada jaamacadaha ka furan Soomaaliya gaareyso 100 jaamacadood iyo 30,000 oo arday oo ka qalinjabisay dugsiyada sare ee dalka iyo dalka Kenya oo ay sanadkii ka qalinjabiyaan 700,000 arday dugsiga sare, laakiin leh 39 jaamacadood oo kaliya. iyaddoo sida qorsheysan dalkaa lagu talo jiro in jaamcadaha la dhimo.

Waxaase uu qiray iney jiraan jaamcado tiro yar oo ku yaalla Muqdisho, Somaliland, Puntland oo ka shaqeeya hagaajinta tayada, garab ay ka helaan hay’ado dibadda ah darteed, halka inta badan ay yihiin kuwo dib dhacsan oo ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxa uu tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in la aasaaso nidaam lagaga hortagayo khatarta ka soo waajahan tacliinta sare, lana dhaqangeliyo qaanuunka waxbarashada kaas oo la filayo inuu wax ka qabto kala duwanashiyaha hagaldaacinayay tayada waxbarashada.

Dhanka siyaasadda waxa uu ku baaqay in la sameeyo ol’ole lagaga hortago si xun u fasrika nidaamka hagaajinta waxbarashada sare.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close