WararkaWaxbarashada

Daaweyn Cusub oo Genatic ah oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Ugu Qiimaha Badan Adduunka “Prestigious Champalimaud Vision award”

Mu’asasada Champalimaud Foundation ee Portugal laga leeyahy,  ayaa sheegtay in 7 caalim oo ka mid ah culumada-sayniska Mareykanka iyo Ingiriiska iney heleen daawo Genetic ah oo lagu daaweeyo Indho la’aanta caruurta qaar ay ku dhashaan, culumadan ayaa ku guuleystay Talaadadii abaalmarin gaareysa 1 million euro ($1.15 million).

Abaalmarintan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa lagu bixiyaa daahrogyada ku aaddan cilmiga aragga, waxaana la bilaabay sanadkii 2006, waana mid ka mid ah abaalmarinnada cilmiga ee ugu qiimaha badan Adduunka, waana abaalmarin ka sarreysa qiimihii lagu bixiyay abaalmarintii ugu dambeysay ee Nobel Prize-ka cilmiga Caafimaad, taas oo uu qiimeheedu ahaa lacag u dhiganta $987 kun oo dolar.

Alfred Sommer oo ah guddoomiye sharafeedka Johns Hopkins Bloomberg School of Public Health isla markaana ahaa madaxa guddiga qiimeynta abaalmarintan ayaa yiri: “(Daawadantan) waa  middii ugu horreysay ee tusaalaha fiican u ah daaweynta gene ah oo ku guuleysata aadanaha, taas oo hagaajineysa ceeb genetic ah oo dhaxal ku timid, waana guul muhiim ah oo laga gaarey caafimaadka daawada.”

Michael Redmond oo ka tirsan National Eye Institute ee gudaha Maryland, kana mid ahaa Saynisyahannadii ku guuleystay abaalmarinta ayaa si gaar ah u raad raacay waxyaabaha keena cudurka Leber congenital amaurosis (LCA), waxaana uu gaaray gene isbedela oo keena cudurka.

Mu’asasada waxey tiri saddex kooxood oo saynisyahanno ah oo iskaashanaya ayaa waxaa u suurogashay iney bedelaan gene isha gudaheeda, waxey araggii u soo celiyeen caruur iyo dad qaangaar ah oo ay u sameeyeen daaweyn nooc kaliya oo cudurka ka mid ah.

Daaweyntan gene-ka ah ayaa waxaa ay culumadu adeegsadeen gentic wanaagsan oo wata virus la dhalanrogay oo aan dhibaato lahayn.

Mu’asasada Champalimaud Foundation oo xoogga saarta cilmi-baarista cilmiga dareemayaash iyo caabuqyada saldhiggeeduna uu yahay Lisbon, aya abaalmarintan ay bixisay waxaa ka dardaarmay ganacsade Antonio Champalimaud oo Portuguese ah, kaas oo dhintay 2004, abaalmarintii ugu horreysay waxaa la bixiyay 2006.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close