Gabar Philippines Ah oo Guursatay Wiilkii Ay Jeclayd oo Mayd Ah Inta Aan La Aasin Ka Hor!

Reuters © Juan Carlos Ulate

Gabar reer philippine ah ayaa guursatay wiil ay jeclayd oo geeriyooday, arrintaas oo dood xooggan dhalisay, waa sida laga soo xiganayo warbaahinta gudaha.

Xafladda guurka ayaa ka dhacday Cauayan Memorial Gardens, Isabela, maalintii Sabtida ee September 2, 2018.

Caruusaddan oo jariidada Philippine Inquirer ay ku sheegtay magaca Zyrine Delmendo waxey timid qubuuraha si ay u “guursato” wiilka ay jeclayd ee geeriyooday oo isna la oranjiay Jake Anthony Macadangdang oo 22 jir ahaa oo la dilay bishii hore, kadib markii ruux gacansade ah oo dagaal hore uu dhaxmary uu jiirsiiyay mooto.

Waxaa loo sameeyay xaflad kooban, waxey soo xiratay cambuurkii arooska, waxeyna goobta keentay faraantigii ay ahayd in maalinta arooska loo xiro. Ehelka gabadhu waxey tixgeliyeen rabitaankeeda oo wey ku raaceen nooca guurka ay dooneyso, si kasta oo uu u yaab badan yahay.

Waxaa xusid mudan, in qaanuunka qoyska Philippine aanuu xusayn qodob ku aaddan guurka qof dhintay, laakiin waxa uu sheegayaa in guurku aanuu dhacayn marka labada dhinac mid ka mid ah uu ku fashilmo inuu ogolaanshihiisa muujiyo iyadoo qaadigii rasmiga ahaa uu goobta joogo.

Maandeeq FM