Wariye “Rechael Bland” oo Geeriyootay.. Kadib Markii Maalmo Ka Hor Ay Asxaabteeda Ku Sagootisay Farriin Murugo Leh

Rechael Bland,  gabadhii wariyaha ahayd ee ka tirsaneyd BBC Radio 5, ayaa geeriyootay Arbacadii shalay kadib markii ay maalmo ka hor sagootisay asxaabteeda iyo dhageystayaashii ku xirnaa barnaamijyadeeda.

Barteeda Twitter-ka ayaa lagu soo qoray: “Rechael-teennii quruxda badneyd wey dhimatay, subaxnimadan, waxaa ku hareeraysnaa dadkii u dhawaa iyo qeyskeeda, aad ayaan uga xumaannay, laakiin waxey iga codsatay inaan u mahadceliyo cid kasta oo sheekadeeda ka danqatay ama farriin garab istaag ah u soo dirtay, arrintaasi waxweyn ayay u tahay.. Steve iyo Freddie.”

Rechael horey ayay si geesinimo leh u sagootisay saaxiibadeed iyo dhageystayaasheeda kadib markii ay dhakhaatiirtu u sheegeen iney haysato maalmo kooban.

Halkan Guji si aad u akhriso fariintii sagoonitan ahayd ee ay qortay

Maandeeq FM