“Blake Ross”.. Da’yarka Ka Dambeeyay Hindisaha web Browser-ka Mozilla Firefox

Dhammaan waa naqaannaa barta Mozilla Firefox ee caanka ah, waa barta ugu muhiimsan ee ay tartamaan Google Chrome, laakiin dad badani waxaaney ogeyn in aasaasaha bartan uu yahay “Blake Ross”, kaas oo da’diisu ay tahay 33 sano jir, si uu uga mid noqdo baraha ugu ballaran Adduunka oo ay malaayiin qof ay dunida daafaheeda kala duwan ah ay ku tiirsan yihiin.

Blake Ross,

Waxa uu dhashay July 12, 1985, hadda waa 33 jir, waxa uu horumarin ku sameeyay FireFox, isagoo kaashanaya Dave Hyatt, sanadkii 2005 waxaa loo u sharraxnaa abaalmarinta Hot List ee joornaalka Rolling Stone, waxa uu website gaarka ah sameeystay isagoo 10-jir ah.

Ross programmer uu ahaa isagoo dugsiga hoose dhigta, waxa uu kaalin ka qaatay horumarinta  web Broser-ka  Netscape,waxa uu ka shaqo bilaabay shirkadda isgaarsiinta Netscape isagoo 15 jir ah, waxa uu isla xillagaa ku biiray jaamacadda Stanford, taas oo uu ka maqnaa xilli si uu shaqada ugu firaaqoobo.

Horumarintii Firefox

Inta uu tababarka ku jira Netscape, ayaa waxa cajabgelin habka uu u shaqeeyo  iyo halka ay la aadday shirkadda America Online oo markii dambe iibsatay Netscape, arrintaas oo ku riixday inuu horumarin ku sameeyo web Browser u gaar ah oo si sahlan loo adeegsan karo dadkuna ay si aad ah ugu xirmi karaan, waana halka ay ka dhalatay firkadda FireFox, oo adeeggeeda suuqa la soo geliyay 2001, xilligaas oo Ross uu ahaa 19 jir.

Maandeeq FM