arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Marka Nasiibku Kaa Hiillinayo Waa Sidan oo Kale.. Laacib Kubadda Cagta Ciyaara oo Biriqi u Diidday Inuu Gool Dhaliyo (Muuqaal)

Darbo xooggan oo uu tuuray laacibka naadiga “Adelaide Football Club” ee dalka Australia, Eddie Betts, ayaa layaab ku noqotay cid kasta oo daawatay sida ay wax u dhaceen oo uu ku jiray sawiraagii muuqaalka si gaar ah u duubayay.

Muuqaalka waxaa bartiisa Instagram ku faafiyay saaxiibka laacibka, dhacdadan ayaa ka dhacday garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Adelaide koonfurta dalka Australia, xilligaas oo tababarkii kooxda uu u baaqday cimillada oo aan wanaagsaneyn darteed.

Markii ay kooxda garoonka ka sii baxeysay ayaa Betts uu go’aansaday inuu dhaliyo gool Lix-dhibcood ah(Kubadda cagta Australia laga ciyaaro), si aanuu garoonka uga bixin faro marnaan.

Kubaddii ayuu ku dhuftay darbo xooggan laakiin goolkii wuu dhalin kari waayay, maxaa yeelay; biriq ayaa kubaddii qarxisay iyadoo hawada ku jirta oo aan gooshii gaarin!, garoonkii ayuu ka cararay isagoo baxsad ah oo la yaabban sida ay wax u dhaceen.

View this post on Instagram

So… this happened… 😱⛈ @adidasau boots ⛈

A post shared by Eddie Betts (@eddiebthe3rd) on

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close