Saynisyahanno Ku Fashilmay Iney Mutadawiciin U Helaan Daraasad Ay Ka Sameyn Lahaayeen Baqdinta Masaska

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Basel, Switzerland, ayaa ku fashilmay iney helaan mutadawiciin, si ay u sameeyaan daraasad ku aaddan sida lagu yareeyo baqdinta masaska, sababta ay dadku uga qeybgali waayeen ayaa ahayd in magaalada aanuu joogin mas, sidaa darteed dadku ay si aad ah uga baqaan.

Website-ka The Local ee wararka ayaa sheegay in arrintan laga dheehan karo in dadku ay aad uga baqaan masaska, iney ku farakaraan iney daraasad ka qeybgalaanna ay ku adag tahay.

Kooxdan cilmi-baarayaasha ah oo ka tirsan Jaamacadda University neuropsychology , ayaa doonaya iney howlgeliyaan 90 qof oo da’doodu u dhaxeyso 18-35 sano si ay daraasaddan uga qeybgalaan.

Cilmi-baaraha  Nathalie Schicktanz oo ka tirsan Jaamacadda Basel ayaa yiri: “Baqdinta masaska laga qabo, waa sida caarocaarada wax disho oo kale, dhibaato ayaa naga qabsatay inaan helno dad iney daraasadda ka qeybqaataan diyaar u ah, maadama aan mas laga helin magaalada dadkuna aaney wax xiriir ah la lahayn, arrintaasina ay cabsida sii kordhineyso.”

Cilmi-baarayaashu waxey ka qeybgalayaasha u soo bandhigayaan lacago dhiirrigelin ah oo gaareyso 120 Faranka Swiss-ka ah, bilowgii hore waxey filayeen iney natiijada cilmi-baaristooda ay soo bandhigaan dhex bartamaha sanadkan, laakiin waxay heleen 30 qof oo kaliya muddo dhowr bilood ah, arrintaas oo keentay in cilmi-baaristay ay u dib dhacdo xagaaga sanadka 2019.

Maandeeq FM