Wadnaha Aadanuhu Wuu Ka Hor Duqoobaa Jirka Intiisa Kale!

Dhakhaatiir wadnaha ah ku takhasustay oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa waxey soo hindiseen leyliyo dhanka internet-ka looga jawaabayo oo qofkii rabaa uu ka ogaan karo caafimaad wadnihiisa, iyo da’da uu yahay, iyadoo marka qofka ay natiijadu u soo baxdo la siinayo talooyin caafimaad oo noloshiisa waxtar u leh.

Dhakhaatiirtan oo ka tirsan wasaaradda Caafimaad Ingiriiska ayaa soo hindisay barnaamij su’aalo ka weydiinaya dadka dhanka Internet-ka, kaas oo ka kooban dhowr su’aalood oo uu qofka doonaya inuu ogaado da’da wadnihiisa uu ka jawaabayo. su’aalaha ayaa dhowr dhinac oo kala duwan taabanaya: Dhirirka, da’da, culeyska, caadooyinka xunxun, heerka kalastaroolka dhiigga iyo dhiigkarka.

Xog uruurintan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah su’aalo ku aaddan cudurrada wadanaha ee qofka hide ahaan ay ehelkiisa u leeyihiin oo tiro ka mid qaraabadiisa horey ugu soo dhacay.

Marka uu qofku dhammaan su’aalaha ka wada jawaabo, barnaamijku qofka waxa uu u muujinayaa heerka caafimaadka wadnihiisa uu gaarsiisan yahay iyo sannooyinka uu qofku sii noolaan karo isagoon wax mushkilad ah aan dhanka wadnaha ku aaddan aan la kulmin.

Dadka barnaamijkan soo hindisay marka ugu dambeysa talooyin dhowr ah oo uu ka mid yihiin; iney miisaankooda iska dhimaan, mashaakilka caafimaadna ay iska daaweeyaan, si ay u helaan wadno caafimaad qaba, isla markaana ay uga dheeraan lahaayeen cudurrada ku soo waajahan ee ay tilmaamayaan xogaha laga uruuriyay.

Natiijada barnaamijka laga gaaray, 78% dadkii ka qeybgalay waxey arkeen in  wadnahoodu uu ka da’weyn yahay da’dooda caadiga ah, 34% waxey ogaadeen in 5 sano wadnahoodu uu ka da’weyn yahay, halka 14% ay ogaadeen in cimrigooda caadiga ah uu wednahoodu ka da’weyn yahay 10-sano.

Maandeeq FM