200 oo Shaqsiyaad Caan ah oo Soo Jeediyay Qaylo Dhaan Ku Aaddan In Dhulka La Badbaadiyo

200 oo caalim oo ka tirsan dhanka arts iyo sciences-ka oo ay ka mid yihiin; Pedro Almodóvar, Alan Dolon, Ptty Smith, Catherine Donov, Charles Aznavour iyo Anish Kapoor, waxey soo jeediyeen qeylo dhaan degdeg ah si dhulka loo badbaadiyo waxey yiraahdeen “Waxaa la waajahayaa dhibaatadii ugu weynayd taariikhda.”

Maqaal ay faafisay jariidada “Le Monde“, waxaa horey qeylo dhaan u jeedisay aktaradda Juliette Pinochet iyo caalimka fiisikiska ee Aurelian Barro, maalmo ka dib markii uu is casilay wasiirka deegaanka Faransiiska ee Nicolas Hulot , Fanaaniin, saxafiyiin, qoraa, photographers iyo saynisyahanno ayaa waxey yiraahdeen: “Waxaa la gaaray waqtigii aan si dhab ah u fakari lahayn.”

Culumadan ayaa waxey saxiixeen warqad furan, waxeyna yiraahdeen:”Waxaan ku noolnahay dhibaato culus.” waxaa isbedeshay cimilladii, noloshii ayaa meelo badan ka dabar go’day.. burburkii dhulka wuu socdaa hadda, laakiin weli dabaqabasho ayay leedahay:”

Waxey intaa sii raaciyeen :”Waxaa ina horyaalla caqabaddii ugu weynayd abid taariikhda inta la aqoonsan yahay, siyaasiyiintu waa iney si go’aan leh dhaqaaq u sameeyaan.”, ayay ku taliyeen.

Maandeeq FM