Dil Naxdin Badan oo Caruur iyo Dumar Ay Ku Waxyeelloobeen oo Gilgilay Dalka Australia

Booliska Australia ayaa Axaddii 5 mayd ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar ka helay guri ku yaalla magaalada Perth, gobolka galbeed ee Australia.

Paul Steel oo ah kaaliyaha taliyaha ciidanka boolis gobolkaasi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay: “Waxaa xilli hore ah inaan faahfaahin bixinno..mowduucu waa mid la baarayo, waxaan ognahay iney dhinteen dadwaaweyn iyo caruur.. waxaan helnay shan mayd ah, markii ay boolisku soo gaareen ay ugu yimaadeen, waxaan baareynaa sida ay wax u dheceen.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan idiin xaqiijin karnaa in hal-haween ah ay ku jirto, laakiin tirada dumarka geeriyooday si dhab ah idunkuma sheegi karo..ma garaneyno tirada dadka waaweyn iyo caruurta sida ay u kala qeybsan yihiin.”

Booliska ayaa su’aalo weydiinaya wiil dhalinyaro ah oo da’aadda labaatameeyada ah oo oo markii ugu horreysay soo wargeliyay, waa sida ay sheegtay idaacadda Austiralia.

Maandeeq FM