Weligaa Ma Tijaabisay Inaad Shaah La Cabto Xamaarato Kala Duwan.. Makhaayad Adeegyo Gaar Ah Bixineysa oo Albaabada Loo Furay

Caasimadda Cambodia, Phnom Penh, waxaa laga furay makhaayad soo bandhigaysa adeeg ka duwan kuwa ay bixiyaan makhaayadaha kale ee caasimaaddaas ku yaalla.

Makhaayaddan ayaa waxaa laga dalban karaa shaah, qahwo, cabitaanno kala duwan iyadoo xamaarato badani ay makhaayadda joogaan oo qofku isla sawiri karo.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, makhaayadda dadka aad ayay u soo jiidatay, waqti yar un kadib markii albaabada loo furay.

Milkiilaha makhaayaddan oo la yiraahdo Chea Raty, ayaa sheegay iney doonayaan iney dadka u fidiyaan adeegyo goonni ah iyadoo dadka la barayo noocyo kala duwan oo xamaarato kala duwan ah.

Makhaayaddan ayaa waxaa jooga ay ka mid yihiin abeesooyin, masas noocyo kala duwan ah, dibqallooc iyo kuwo kale.

Maandeeq FM