5 Arrimood oo Cilmi ah oo Dhaca Marka Ay Raggu Sii Daayaan Garkooda

© Photo/ Facebook/Incredibeard

Garku waxa uu ragga ka dhigaa kuwo soo jiidasho badan dhanka aragtida dumarka, daraasaad la sameeyay ayaa muujisay in timaha wejigu ay yihiin “Astaamaha raganimo”, raggana ay  ka ilaaliso cudurrada qaar.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 5 arrimood oo cilmi ah oo dhaca marka ay raggu garkooda siidaayaan:

1- Kansarka ayaa lagaga hortagaa

Garka waxaa suuraggal ah inuu ragga ka ilaaliiyo kansarka maqaarka, waxa uu jirka ka difaacaa shucaaca ultraviolet-ka ee khatarta badan 9%, waa sida lagu sheegay daraasad ka soo baxday jaamacadda Queensland, Australia.

2- Astaan raganimo

Daarasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga garka leh ay naftooda u arkaan iney yihiin kuwo mas’uul ah, bulshadana maqaam sare ayay kaga jiraan oo arrimo badan ayaa loo daba fariistaa.

3- Kuwo soo jiidasho badan

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga garka leh ay dumarka si aad ah u soo jiitaan, laakiin waa marka gabadha aabbeheed uu yahay mid gar leh oo qura.

  1. Garkaaga ka ilaali inuu noqdo mid wasakh badan

Dadka garka neceb waxey ku sheegaan inuu usgagga iyo wasakhda soo jiito, laakiin marka garka lagu dadaalo oo aan lagu ciyaarin si joogta ahna loo nadiifiyo, waxa uu ka qeybqaataa caafimaadka jirka.

5- Xiirista garka oo cimridegdeg laga qaado

Daraasad la sameeyay ayaa daahrogtay in gar xiirka aan nidaamsaneyn uu xiriir la leeyahay geeri xilli hore ah oo ay keeni karaan sababo ay ka mid yihiin, cudurada wadanaha iyo xididada dhiigga.

Maandeeq FM