TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Jack Ma oo Ka Fariisanaya Maamulaha Fulinta Shirkadda “Alibaba”.. Dibna Ugu Laabanaya Macallinimo!

Hadal lama filaan ku noqday sector teknoolojiyadda Shiinaha, ninka ugu taajirsan dalkaasi «Jack Ma» ayaa carrabka ku dhuftay  inuu damacsan yahay inuu ka fariisto shaqada shirkadda «Alibaba» oo hadda qiimaheeda suuqa uu gaarsiisan yahay 420 bilyan oo dolar.

Kulan gaar ah oo uu la yeeshay TV Bloomberg isbuuc la soo dhaafay, gaar ahaan Khamiistii, ayuu tilmaamay «Jack Ma» uu ku fakarayo inuu xoogga saaro arrimaha samafalka, sheegayna inuu waqtigiisa ugu badan gelin doono dhanka waxbarashada.

Waxa uu caddeeyay «Jack Ma» billioneir-kan da’diisu tahay 53 jirka oo horey uga soo sheeqeeyay macallinimo luqadda Ingiriiska ah inta aanuu shirkaddiisa aasaasin ka hor:

«Waxaan aaminsanahay in maalin un aan dib ugu laaban doono mihnaddaydii macallinimo, waana arrin aan aaminsan nahay inaan sameyn karo, si ka wanaagsan maamulaha fulinta ee shirkadda Alibaba oo aan hadda ahay.»

Waxa uu diiday inuu si rasmi ah u sheego xilliga gaar ah oo uu doonayo inuu shaqada shirkadda ka fariisto, mar su’aashaa la weydiiyay waxa uu uga jawaabay: «Waan arki doonnaa xilliga ay noqoto, waxaan aasaasay mu’asasada Jack ee samafalka, waxwalba waxaan diyaarinayay muddo 10 sano ah oo aan ka sii shaqeynayay.»

Mu’asasada Jack Ma ee samafalka ayaa la aasaasay 2014, waxey xoogga saarta hagaajinta waxbarashada Shiinaha, gaar ahaan; waxbarista reer miyiga, sanadkii la soo dhaafay ayuu sanduuqa mu’asasada ugu deeqay 300 milyan oo yuan oo ah lacag u dhiganta 45 milyan oo dolar oo lagu doonayo in lagu tababaro macallimiinta si faqriga loogala dagaallamo miyiga Shiinaha.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close