14 Arrimood oo Aasaasi u Ah Horumarinta Nafta ee Xilliga Waxbarashada

Inaad noqoto qof nidaamsan waa aasaas aad ku gaari karto natiijooyinka ugu wanaagsan ee dhanka waxbarashada, waa nude aasaasi ah oo marna aan laga maarmi karin.

Hadaba, si aad u gaarto inaad noqoto qof nidaamsan, waxaan idiin soo gudbineynaa, 14 arrimood oo muhiim u ah si aad u gaarto nidaamsanaantii loo baahnaa.

1- Xadee maalinta bilowga

Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in la xadeeyo maalinta la bilaabo barashada xirfad cusub ama aqoon kororsi ay sii kordhiso fursadda in la daa’imo oo aadan ka caajisin, arrintaas oo kugu riixaysa xaqiijinta hadafkaaga.

2- Qoro ahdaaftaada gaarka ah

Hadafkaaga waxbarashada  waa inaanuu ku koobnaan sidii aad buundo sare ku keeni lahayd oo qura, waa in aragtidaadu intaa ay dhaafsiisanaataa, waxaad xamaasad badan iyo firfircooni aad ka heli doontaa oo naftaada dhiirrigelin u noqoneysa marka aad dejisato ahdaaf gaar ah oo dhanka waxbarashada, sida inaad takhasuskaaga xoogga saarto oo aad u sii diyaar garowdo adigoon ku ekaaneyn manhajka iyo duruusta uu macallinku kuu dhigo.

3- Ku Fakar natiijada dadaalkaaga

Ku fakar oo sii malee marka aad dugsiga sare ama jaamacadda aad dhammeyso sida ay aqoontaadu noqon doonto, cilmigaagana aad bulshada wax ugu tari lahayd, arrintaasi waxey kugu dhiirrigelinaysaa inaad si wanaagsan wax u barato.

4- Mar kasta diyaar ahow

Waxaa dhici karta iney ku soo waajahdo xaalad aadan fileyn, naftaada u sii diyaari xaalad kasta, si hadhow aanuu welwelku kuugu badan, si aad waxbarashada ugu sii nagaato.

5- Ka fogow waxyaabaha soo jiidashada leh

Waxwalba oo naftaada mashquulin kara waqtigaagana dilaya ka fogow.

6- Ku dadaal shay faa’iido badan oo naftu jeclaysan karto

Marka aad si fiican wax u barato, caado fiican aad leedahay, waxaa halkaa ku kulmaya wixii ay waajib ahayd inaad sameyso iyo wixii aad jeclayd inaad fuliso.

7- Ra’yi weydii dadka kugu hareeraysan

Dadka kugu hareeraysan waxaanad arkay ayay isha ku hayaan, sidaa darteed waxaa muhiim ah in dadka kugu hareeraysan aad talo weydiiso, si aad naftaada u horumariso.

8- Daraasad ku samee waxwalba oo suuraggal ah xilliga go’aan qaadashada

Noloshu waa go’aan qaadasho, sidaa darteed; marka aad go’aan gaareyso daraasad ku samee dhammaan waddooyinka go’aanka uu ku noqonkaro kan ugu wanaagsan.

9- Cuntadaada ha sahlan

Ku dadaal cuntadaada, qaado raashin dhammeystiran oo ka qeybqaadan kara inaad si wanaagsan wax u barato.

10– Dib-u-eegis joogta ah naftaada ku samee

Si joogto ah u xisaabtan, si aad u ogaato inaad wadadii saxda ahayd ku socoto iyo in kale.

11– Adeegso baraarujiyeyaal aad ku xasuusan karto ballamahaaga

Adeegso barnaamijka Post It, si uu waajibaadka kuu qorshaysan iyo ballamaha uu kuu xasuusiyo, waxaa sidoo kale jira barnaamijyo kale oo kaa garab siin kara inaad howgudasho wanaagsan sameyso.

12– Raadso saaxiibbo kula mid ah

Saaxiibka wanaagsan ee dadaalka badan marwalba waxa uu kugu hagaa hadafkaaga nolosha sida ugu wanaagsan wuu kuu dhiirrigeliyaa, sidaa darteed; marnaba ha yareysan saaxiibkaga wanaagsan.

13– Inaad noqoto qof nidaamsan waa arrin shaqsi ah

Inaad noqoto qof nidaamsan waa arrin shaqsi ah, dadka oo dhan iney kula mid ahaadaan shardi maaha.

14– Inaad noqoto shaqsi nidaamsan waxey u baahan tahay inaad naftaada ku leyliso iyo la qabsi.

Maandeeq FM