6-dan Waxyaabood Ha Ka Raadin Computer-ka Shaqada

Firkadda ah inaad ku talax tagto baaritaanka internka waa mid aan wanaagsaneyn, waxey ka sii xun tahay marka aad dano khaas kuu ah aad ka baarato computer-ka shaqada, waxaa dhici karta in cawaaqib xumo ay kuu keento.

Website-ka “Business Insider” ayaa daabacay warbixin ka hadlaysa baaritaannada qaar ee qofka shaqaalaha uu ka sameeyo computer-ka shaqada ay u keeni karto dhibaato daran oo hadhow inaad masaxdaa aaney waxba ka tareyn.

Website-ka ayaa soo bandhigay 7 arrimood oo ay tahay iney shaqaaluhu iska ilaaliyaan marka ay korfadhiyaan computer-ka shaqada.

1- Website-yada anshaxdarrada ah ee aan habbooneyn

Adigoon arrintan fakar badan gelin ka fogow goobahaas anshax darrada ah, waxaase arrin laga xumaado ah inaaney dadku taladaa inta badan aaney dhageysan, warbixin cusub ayaa sheegaysa in 300,000 oo baaritaan website-yada anshax darrada ah laga booqdaa  gudaha xarunta baarlamaanka Ingiriiska!, goobihii kale maxaad u maleynaysaa.

  1. Raadinta macluumaadka sirta u ah ee ku saabsan mu’asasada aad u shaqeyso

Ha isku dayin inaad raadiso macluumaad sir ah oo shaqaale yar ku kooban, kooxda Technical-ka shirkadda arrintaa wey ogaanayaan xilli dhow ama dheer ha ku qaadatee.

  1. Macluumaad ku saabsan shaqadaada labaad

Mashruuca aad gacanta ku hayso ama shaqadaada labaad ee kale ee gaarka kuu ah macaluumaad ku saabsan ha ka baadi goobin computer-ka shaqadaada, maxaa yeelay; waxaad waxyeellaynaysaa kalsoonida lagugu qabi karo.

  1. Shaqo raadin

Gaar ahaan shirkadaha uu tartan kala dhaxeeyo tan aad ka shaqeyso, xitaa haddii aadan shaqada ku qanacsaneyn, arrintaas oo ka dhigan inaad xadkii kalsoonida ka tallowday.

  1. Shukaansi

Waxaa kuu wanaagsan in shaqadaada ka fogayso xiriirkaaga gaarka ah.

  1. Baarintaan website-yada xafladaha iyo madadaalada

Shirkadda aad u shaqeyso ma jecla iney ku arkaan adigoo ku mashquulsan madaalo iyo xaflado kale oo shaqada ka baxsan, sidaa darteed; ku dadaal inaad shaqadaada ilaashato.

Maandeeq FM