Dhaqaalaha Turkiga oo Kobac Xooggan Sameeyay

Dhaqaalaha Turkiga ayaa kobcay 5.2% quarter labaad ee sanadkan(saddexdii bilood ee ugu dambeysay), ayadoo ay jirto in uu la kulmay cadaadis badan oo lagu curyaaminayo.

Xog uu soo bandhigay mac’hadka tirakoobyada Turkiga, ayaa lagu shaaciyay wax-soo-saarka Guud ee Gudaha (GDP) ee Rubicii labaad ee sanadkan 2018.

Mac’hadka ayaa sheegay in Wax-soo-saarka Guud ee Gudaha uu kordhay 884 billion oo Liraha Turkiga ah, waa lacag u dhiganta 137.06 billion oo dolar.

Kobacan ayaa ku fadhiya qiyaas ay horey u sii sameeyeen xeeldheerayaal dhanka dhaqaalaha ka faalloda, taas oo sheegaysay in (5.2%) uu kobci doono dhaqaalaha Turkiga, waa sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Turkiga ee Anatolia.

Turkiga ayaa kaalinta Labaad kaga jira Yurub dhanka kobaca dhaqaalaha, waxaa ka horreeya Ireland oo kobaceeda dhaqaalaha uu gaarsiisan yahay 7.8% quarter labaad ee sanadkan.

Waxaa xusid mudan, in lacaga Turkiga ee Liraha uu ku yimid hoos-u-dhac 40% qiimaheedii suuqa, kadib markii uu Mareykanku cunaqabateynno ku soo rogay dhaqaalaha Turkiga, khilaaf siyaasadeed oo labada waddan u dhaxeeya awgii.

Maandeeq FM