Buugga FEAR ee Lagu Dhaliilay Hoggaanka Madaxweyne Trump oo Si Aad ah Loo Iibsaday

Buugga FEAR ee uu qoray saxafiga rugcaddaaga ah ee Reer Mareykan “Bob Woodward” ayaa si aad ah looga iibsaday suuqayada Mareykanka oo uu si xoog ah u qabsaday.

Buuggan Woodward oo looga hadlay in hoggaanka Trump uu fashilamay ayaa laga iibsaday 750 kun oo nuskhadood, markii uu maalin qura uu ku jira maktabadaha iyo tukaamada ganacsiga buugaagta, waa sida uu sheegaty daarta Simon & Schuster House.

Website-ka Amazon ah goobta ugu ballaaran ee laga iibsado buugaagta electronic-ga ah ayaa dhankiisa sheegay in si xad dhaaf ah ay dadku u raadinayaan iibsiga buugga.

Buuggan ayaa saxaafadda si aad ah looga hadlay hayaa illaa isbuucii hore oo si hordhac ah ay saxaafaddu nuskhad ka mid ah u heshay.

Trump, ayaa buugga aad u dhaleeceeyay kuna tilmaamay inuu yahay mid “Been-abuur ah”.

Sidaas oo kale, qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee Aqalka Cad ee buuggu soo xigatay iyo kuwo hadda qaarkood ku sugan Aqalka Cad ayaa isku dayay iney iska fogeeyaan dhacdooyinka buugga ku xusan qaarkood oo iyaga laga soo xigtay.

Buuggan oo soo baxo 11 September, 2018, ayaa saxafiga buuggan qoray ee Bob Woodward  uu soo caanbaxay fadeexaddii Watergate oo uu ka mid ahaa labadii qof ee kashiftay, taas oo keentay inuu xilka iska casilo madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas  Richard Nixon. horey waxa uu buugaag awood badan oo gilgilay uga qoray labada madaxweyne George W. Bush iyo Barack Obama.

Maandeeq FM