Wasiir Goodax: Waxaan Bishan Gudaheeda La Wareegi Doonnaa 26 Iskuul oo Ku Yaalla Gobolka Benaadir

©Sonna

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre, ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay la wareegi doonaan 26 iskuul oo ku yaalla gudaha gobolka Benaadir.

Wasiirka ayaa hadalkan ka ka jeediyay kulan uu Arbacadii la qaatay hoggaanka Ururka ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha dalka oo ka qabsoomay gudaha Muqdisho.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay qorsheynayso iney bishan gudaheeda la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Benaadir:

“Wasaaradda waxbarashada waxaa bishan gudaheeda u qorsheysan inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, waxaan bixin doonnaa wax kasta oo ay u baahan yihiin, sannadka soo socda waxan rajeyneynaa anngoo kaashaneyna wasiirrada waxbarashada maamullada dalka ka jira oo wada shaqeyn wanaagsan naga dhaxeyso in gobolladana iskuullo ka hirgelino’’ayuu yiri wasiirka Goodax.

Wasiirka ayaa ,sidoo kale; sheegay iney hadda socoto qeybinta manhajka fasallada Afaraad, isagoo farta ku fiiqay in sanadka soo aaddan la dhammeystir doono manhajka guud ahaan, maadaama ay doonayaan iney kaalin weyn ka geystaan horumarinta waxbarashada dalka.

Maandeeq FM