Muuqaal.. Duufaanta Florence oo Argagax Ku Abuurtay Quluubta Dad Badan

ZUMAPRESS.com-© NASA

Gabar weriye ah oo u shaqeysa telefishinka “The Weather Chanel“, ayaa soo bandhigtay cawaaqibta ka dhaalan karta duufaanta Florence, waxey ku muujisay muuqaal ka sheekanayan dhibaatadiisa oo argagax ku abuuray dadkii daawaday.

Gabadhan oo ka warranta cilmillada, ayaa ka hadashay duufaanta ku dhufatay xeebaha bari ee dalka Mareykanka, sida ay biyuhu u soo galayaan magaalooyinka marka ay duufaantu isku bedesho mid wax burburisa.

Heerka sare u kaca biyaha waxaa lagu muujinayay teknoolojiyad cusub oo soo bandhigeysa sida ay biyuhu u soo galayaan magaalooyinka una maashaynayaan guryaha iyo gawaadhida.

Dhacdadani waa tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo muuqaal goonni ah loo sameeyo wararka duufaanta, iyadoo ay jirto in duufaanno ay si joogta ah ugu dhuftaan dalkaasi.

Muuqaalkan ayaa si aad ah loo daawaday “Reddit.com“, markii uu laba saacadood oo qura uu hawada ku jiray, waxaaney dadku kaga falceliyeen sida ay uga baqanayaan duufaanta Florence oo comment farabadan ay ka dhiibteen.

Maandeeq FM