Ninka Ugu Taajirsan Adduunka “Jeff Bezos” oo 2-bilyan oo Dolar Ugu Deeqay Dadka Derbi Jiifka Ah

Jeff Bezos billioneirka iska leh Shirkadda Amazon isla markaana ah ninka ugu taajirsan adduunka, ayaa ku dhawaaqay inuu 2 bilyan oo doolar uu ku taageerayo qoysaska derbi jeefka ah ee aan hoy ay ku hardaan aan haysan, isla markaana iskuullo loogu diyaarinayo qoysaska dakhligoodu uu hooseeyo ee aan caruurtooda iskuullaadka ka bixin karin.

Ku dhawaaqistan ayaa ah tallaabo cusub oo Bezos uu u qaaday dhanka samafalka, billioneir-kan ayaa hantidiisu ay gaartay 160 bilyan oo dolar, isla markaana ay shirkaddiisu noqotay shirkadda Labaad ee dunida ugu qiimaha badan, waa sida uu sheegayo website-ka Forbes ee ka soo baxa gudaha dalka Mareykanka.

Sanduuqa lacagtan samfalka ah lagu shubayo ayaa loo bixiyay “Day One Fund“, waxaana lagu taageerayaa mu’asasaadka aan faa’iido doonka ahayn ee hoyga iyo raashin siiyay qoysaska danyarta ah, iyadoo intaa ay sii raacsiisan tahay; iskuullo diyaarin ah oo dhammeystiran oo loogu talagalay qoysaska dakhligoodo hooseeyo ee aan caruurtooda waxbarashada ka bixin karin.

Maandeeq FM