Yaa Ka Dambeeyay Dabargo’a Shimbirii Waaweynaa ee Dunida Ku Noolaa?

Khubarada Saynisku waxey ka shaki san yihiin in aadanihii hore ay kaalin ku lahaayeen dabargo’a shimbrihii waaweynaa ee dunida ku noolaa kumanaan sano ka hor, dagalbaar cusub oo la sameeyay ayaa laga helay lafaha shimbirahaas oo uu ka muuqdo raadka aalad loo adeegsaday dilkeeda.

Lafahan la helay ayaa Saynisyahanno Ingiriis ah ay ku sheegeen iney ahayd 10-kun oo sano ka hor, iyagoona u badiyay in aadanahii hore uu ugaarsaday shimbirihii waaweynaa si uu raashin uga dhigto.

Saynisyahannadan ayaa dagalbaarka ka helay jasiiradda Madagascar ee Qaaradda Afrika oo la aaminsan yahay iney dadkii ugu horreeyay ay dageen 3000-4000 oo sano ka hor.

Dagalbaarkan cusub ee la helay ayaa sameeyay aragti ah Hypothesis; in aadanihii hore uu kaalin ku lahaaa dabargo’a shimbirihii waaweynaa ee dunida ku noolaa, halka markii hore la aaminsanaa in musiibooyin dabiici ah ay ka dambeeyeen dabargo’ooda.

Shimbiraha waaweyn ee dagalbaarka lagu helay waxaa ka mid ah Shimbir maroodiyeedka loo yaqanno (Aepyornis) dhirirkiisa waxa uu gaarayay 3 mitir, halka culeyskeeduna uu ahaa  500 oo Kg, iyadoo shimbirtii ugu dambeysay ay dabargo’day 300 oo sano ka hor.

Maandeeq FM