Maxey Soo Iibsatay?.. Haweenay Tukaan Kaga Adeegatay16-milyan oo Pound Mar Qura!

Cidina ma aaney fuleyn iney maalin isha ku qaban doonto dhacdo noocan oo kale ah, haweenay 16 milyan oo pound ku bixisay hal-mar suuqa, gaar ahaan tukaanka Harrods ee caasimadda London ku yaalla ee caanka ah, hadaba waxa is-weydiinta mudan ayaa ah maxey lacagtaas oo dhan ku iibsatay.

Su’aashan ayaa ahayd middii ay weydiiyeen baarayaal Ingiriiska oo arrintan u dhabbo galay, kuwaas oo ka shakiyay haweenaydan ka soo jeedda Azerbaijan ee la yiraahdo Zamira Hajiyeva oo 55-jir ah, baaritaannadii lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday iney tukaanka ka iibsatay 16-milyan oo Pound oo gudaha tukaanka ay ku kharash gareysay.

Booliska ayaa Hajiyeva qabtay, iyadoo sidaa ku noqotay haweenaydii ugu horreysay ee loo qabto gudaha dalka Ingiriiska iney lago si waalli ah ay ku kharash garaneysay, maadaama qaanuunka maaliyadda aanuu ogoleyn in lacago si xad dhaaf ah loo bixiyo, waa sida ay qortay shabakadda BBC qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha.

Baaritaanadii la sameeyay waxaa ka soo baxay in haweenaydan uu qabo nin horey uga shaqeyn jiray Bankiyada Azerbaijan oo lagu haysto lacago uu musuqmaasuqay, uuna ku xukuman yahay 15-sano oo xabsi ah.

Sidaas oo kale, baarintaanka waxaa lagu ogaaday in Zamira ay muddo 10-sano ah ku nooleyd dalka Ingiriiska, dalkeedana ay ka soo carartay kadib markii ay ka badbaadday afduub dhibaato loogu geysan lahaa.

Garsoore maxkamadda sare ka tirsan ee Emma Arbuthnot ayaa ogolaatay in lagu sii daayo lacag kafaalo ah oo Nus-milayn pound ah, waxaana lagu amray iney gurigeeda ku sugnaato inta uu baarintaankeedu socdo, waxaa lagu amray iney booliska maalin kasta booqato oo ay iska xaadiriso si loo hubiyo joogisteeda iyo inaaney meel kale u safrin.

Baarintaankii weli wuu socdaa si loo hubiyay in lacagahan faraha badan ay u bixineysa ay xiriir la leedahay lacagihii uu ninkeedu dhacay iyo in kale, arrintan oo haddii la ogaado keenaysa in lacagta laga xayiro.

Hajiyeva, ayaa lacagta ku iibsatay dahab iyo jowharado kale oo qaali ah isla markaana naadir ah oo aan badanaa dunida laga helin, waxeyna iibsaneysay illaa ka kharash gareyso lacago isku darkeedu noqday 16 milayn oo pound, waa ku dhawaad Labaatan milyan oo dolar.

Maandeeq FM