Qiimihiisu Waa 2.5 Milayn oo Dolar.. Wax Ka Ogow Qisada Dibiga Ugu Qaalisan Adduunka

Adduunka waxaa ku faafsan noocyo kala duwan oo tartan xayawaan ah, waxaa jira kuwo loo qabto eeyaha ugu qurxoon, waxaa jira tartan bisadaha loo qabto, carabta waxaa caan ka ah tartanka geela iyo fardaha, laakiin India xaaladdu sidaa wey ka duwan tahay, tartanka ugu muhiimsan waa mid loo qabto dibida, kan ugu quruxda badan ugu miisaanka cusub uguna baaxad weyn.

Dibida ugu caansan waxaa ka mid ah (Suldaan) oo miisaankiisu yahay hal-tan iyo bar, halka jooggiisu yahay 180 Cm, dhirirkiisuna uu gaarayo 4 mitir.

Ninka iska leh oo la yiraahdo Naresh Kumar oo ka soo jeeda gobolka Haryana ee waqooyiga India, ayaa sheegaya in dibiga uu haystaa uu yahay, kan ugu dheer ugu baaxadda weyn ugu qaalisan adduunka, halka lacagtiisu ay gaareyso 210 milyan oo rubiga India ah, waa lacag u dhiganta 2.5 Milayn oo dolar, waa sida lagu sheegay warbixin uu faafiyay websiteka Hindustan Times ee dalka India ka soo baxa.

Naariish, waxa uu yiri: “Waxaan siinnaa 10 Kg oo Caano ah, 15 kg oo tufaax ah, 20 kg oo kaarooto ah, 10 kiiloo oo xubuub ah iyo inta u dhaxeysa 10-12 kg oo caws cagaaran ah maalintii, lacagta ku baxda maalintii waxey u dhaxeysaa 39 ilaa 43 dolarka Mareykanka ah. ”
Halka Suldaan uu leeyahay balwad oo habeen kasta Whisky, ayaa la siiyo.

Naariisha waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, maalin kasata waxa uu socdaa masaafo dhan 5 kiiloo mitir, marka xilliga habeenkii la gaaro dhaladiisa wiskiga ah ayaa u rukuman!.

Suldaan waxa uu ku guuleystay abaalmarinno kala duwan oo uu ka helay tartamo uu kaga qeybgalay daafaha kala duwan ee dunida. Naariish waxa uu yiri: “7 taran oo aan ka qeybgalnay kaalinta koowaad ayuu ku soo baxay.”

Maandeeq FM